Sedexdii Atoore Iyo Sedexdii Atirisho Ee Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa Sanadii 2014

Kusoo dhawaada barnaamijkeenii taxanaha ahaa waxaana sii amba qaadi doonaa falanqeyntii aan ku wadnay awooda xidigaha Bollywood-ka.

Dabcan 20-sano ayaan kasoo hadalnay sanad walbo sedexda atoore iyo sedexda atirisho ee Bollywood-ka ugu awooda badnaa.

Haatana waxaan amba qaadi doonaa 10-sano oo cusub taasi oo ka bilaabaneyso 2010 waana xiligii Bollywood-ka uu isbadalka weyn ku yimid.

Inaba caadi ma ahayn sanadii 2014 waa sanadkii Aamir Khan madaama filimkiisii PK uu 300 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay wuxuuna dhigay rikoor taariikhi ah.

Sido kalena Salman Khan ayaa sanadkan sameeyay filimkii ugu horeeyay ee 200 Crore u gaari xidigan waana Kick.

Hadaba hoos kaga bogo sedexdii atoore iyo sedexdii atirisho ee Bollywood-ka ugu awooda badnaa sanadii 2014:

Dhanka Atoorayaasha Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 2014:

Aamir Khan: Rikoor taariikhi ah ayuu filimkiisii PK dhigay lamana arag lama maqal waxa uu Boxoffice-ka ka sameeyay.

Salman Khan: filimkiisii Kick ayaa Blockbuster noqday sidoo kalena wacdaro taariikhi ah Boxoffice-ka ka dhigay.

Shah Rukh Khan: Happy New Year ayaa Super Hit u noqday sidoo kalena ddafaha caalamka guul weyn ka gaaray.

F.G: Aamir Khan ayaa hadal heynta sanadkan la wareegay madaama uu la yimid filimkii PK ee rikoor cusub dhigay sidoo kalena soo xareeyay 338 Crore.

PK waa filim taariikhi ah sidoo kalena noqday filimkii ugu horeeyay ee 300 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyoo awooda Aamir-na looma dhawaan karo.

Salman Khan ayaa isagana Boxoffice-ka gil gilay madaama filimkiisii Kick uu ku biiray aflaanta 200 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyeen.

Sidoo kalena filimkii Jai Ho Salman jilay guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray wuxuuna noqday Semi Hit

SRK wuxuu la yimid filimkii Happy New Year ee Super Hit-ka noqday kana caawiyay inuu safka hore baaqi kusii ahaado.

Haka reebin Ajay Devgan wuxuu la yimid filimkii Singham Returns ee Super Hit-ka noqday halka Akshay Kumar uu isagana filimka Holiday ee Hit-ka weyn noqday uu sameeyay.

Atooraha sanadka waxaa ku guuleestay Shahid Kapoor oo la yimid filim la wada amaanay Haider kaasi oo Average noqday ama lacagtiisa dib usoo celiyay.

Dhanka Atirishooyinka Xiligaas ugu awoda badnaa sanadii 2014:

Kangana Ranaut: Filim taariikhi ah ayay la timid waxayna atirishadan dadka kaga yaabsatay filimkeedii guusha weyn gaaray ee Queen.

Alia Bhatt: Waxay la timid filimo guulo gaareen Highway, 2 States, Humpty Sharma Dulhania

Priyanka Chopra: Filimadeedii Marry Kom iyo Gunday ayaa guulo muhiim ah gaareen

F.G: Sanadkan 2014 wuxuu qaas u ahaa Kangana Ranaut oo filimkeedii Queen noqday mid Classic ah sidoo kalena abaal marin walbo oo caalami ah iyada ayaa ku guuleesatay.

Gabadha dhalinta yar Alia Bhatt iyadana maqaam sare ayay gaartay madaama labadeedii filim 2 States iyo Humpty Sharma Dulhania ay guulo waa weyn gaareen.

Priyanka Chopra iyadana waxay kartideeda iyo jiliinkeeda ku gaday filimkii wacnaa Marry Kom oo ay dhibaato badan ka martay sameyntiisa sidoo kalena filimkii Gunday ayaa u guuleestay.

F.G: La Soco Sedexdii Atoore Iyo Sedexdii Atirisho Ee Sanadii 2015 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaayeen…….

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (803)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: