canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Sadaal Xilli Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Kaabil Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Sadaal Xilli Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Kaabil Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo

Super Star Hrithik Roshan wuxuu u baahan yahay Hit weyn si awoodiisa Boxoffice-ka aysan u hoos usii dhicin madaama filimkiisii ugu dambeeyay Mohenjo Daro uu Flop noqday.

Hadaba Hrithik Roshan waxaa u diyaarsan filimka Kaabil oo la daawan doono 25-ka bishan Janaayo waxaana haatan laga soo bandhagin sadaal hordhac ah oo lagu falan qeenayo sida filimkan xaalkiisa noqon karo marka tiyaatarada la saaro:

Jilaayaasha filimka Kaabil: Hrithik Roshan, Yami Gautam, Ronit Roy iyo Rohit Roy

Director: Sanjay Gupta

Producer: Rakesh Roshan

Wax Yaabaha Caawin Karo Kaabil Inuu Guuleesto:

  • Goos gooska labaad ee Kaabil laga soo bandhigay oo siweyn looga helay
  • Fariinta filimkaan xambaarsan oo u eg mid xiiso badan qayaanada iyo aargudashada
  • Heesaha iyo muusiga filimkaan oo gadmeen (Super hit music)
  • Hadal heyntiisa oo aad u sareyso iyo hab wacan oo xayeysiin loogu sameeyay filimkaan

Wax Yaabaha Caqabad Ku Ah Kaabil Fashilna Dhaxilsiin Karo:

  • Isku dhaca filimka Raees ee SRK hogaamiye ka yahay wuxuu wiiqi karaa ganacsiga filimkaan
  • Sanjay Gupta ma ahan Director guusha la saaxiib ah waayo 12-filim ee uu h--ey u sameeyay weli ma jiro mid Hit dhameestiran noqday filimadiisa!

Lacagaha Filimka Kaabil Ku Baxday Sameyntiisa: 50 Crore mana ku jirto lacagaha Hrithik filimada ku sameeyo madaama Kaabil aabihiis iska leeyahay.

Tiyaatarada Filimka Kaabil La Saari Doono: 2200 ilaa 2300-tiyaatar

Xuquuqda Satellite-ka Kaabil Lagu Iibsaday: 50 Crore

Xuquuqda Qeybinta Cajaladaha Gudaha Hindiya Kaabil Waxaa Lagu Gaday: 42 Crore

Xuquuqda Heesaha/Muusiga Lacagaha Lagu Iibsaday: 8 Crore

Xuquuqda Qeybinta Cajaladaha Daafaha Caalamka Kaabil Waxaa Lagu Gaday: 16 Crore

Lacagaha Kaabil Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin: 116 Crore

Sadaasha Laga Bixiyay Lacagaha Uu Keeni Karo Maalintiisa Kowaad: 13 Crore ilaa 15 Crore

Sadaasha Laga Bixiyay Lacagaha Uu Keeni Karo Cimri Ahaantiisa: 110 Crore

Sadaasha Laga Bixiyay Guusha Uu Gaari Karo: Hit

Aqriste Adiga maxay kula tahay, sadaasha hordhac ah ee filimka Kaabil laga bixinaayo sidoo kalena ma isleedahay Kaabil wuu guuleesan karaa ama waxaad qabtaa aragti ah inuu filimkaan fashilmi doono.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (689)

"Sadaal Xilli Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Kaabil Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. wlhi aniga wexey ila tahy in uu caawin karo hrithik oo an wali filim camoolanimo soo jilin oo layimi camoolanimo khasaarihisuna waa raees oo lasaaran tiyaatarka lkn box office ku wax walba wey kadhacan madaama sanadihii h--e ay isku dhaceen dilwale vs bajiro mastani ayna guushu raacday ranviir singh madaama uu hit layimi srk na flop marka wax walba kafilo box offic ka

    hrithik guul baan kuu rajeynaya

  2. muxamed says:

    Siday ila tahay mohandro oo ahaa filim taariikhiya waa ka gadmi waayey daawadayaasha wuxuu ahaa filim macaan laakiin qiiradu wayku yarayd kaabil waxaa caawinkara inuu ahaado filim qiiro leh ama aargudashadiisu kolba lays weydiiyo sidey ku danbeyn hadii intaa laga helo oo agaasinka sheekadiisu fiicantahay waa gadmi hadii kale kuwii indhaha qabay ayaa filimkoodiiy dhulka galay isna falop ayuun buu noqon




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: