canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Sadaal Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Jolly LLB 2 Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Sadaal Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Jolly LLB 2 Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo

Madadaaliyaha kowaad ee Bollywood-ka Akshay Kumar wuu soo laabtay waxaana u diyaarsan filimka Jolly LLB 2 oo la daawan doono 10-ka bisha Febraayo 2017.

Super Star Akshay Kumar sanadkii hore 2016 wuxuu u ahaa sanad u qaas ah madaama dhamaan sedexdiisa filim ay Hit dhameestiran noqdeen.

Waxaana laga qabaa rajo weyn markale inuu Super Star-kaan kooxda cajaladaha qeybiyaan, kuwa tiyaatarada iska leh iyo filim soo sarayaasha ka farxiyo oo uu macaash waali ah soo galiyo.

Hadaba waxaa lasoo bandhigin sadaal xili horre laga bixinaayo filimka Jolly LLB 2 sida uu xaalkiisa Boxoffice-ka noqon karo iyo rajada laga qabo:

Jilaayaasha filimkaan: Akshay Kumar, Huma Qureshi

Director: Subhash Kapoor

Wax Yaabaha Caawin Karo Jolly LLB 2 Inuu Guuleesto:

  • Akshay Kumar oo ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa dhanka awooda Boxoffice-ka, wuxuuna sameeyay sedex Hit oo isku xigto weliba sedex fariin oo kala duwan ayuu ka dhigay kuwo guuleesto.
  • Waa filim isku dar ahaan sheekadiisa shactiro, action, arimaha bulshada iyo xaqiiqo waaqici ah ku saleesan midaas oo sababi doonto in bulshada min dabaqad sare ilaa dabaqad hoose inuu soo jiito.
  • Shirkada Fox Star Studio iyadana jawi wacan ayay ku jirtaa madaama filimadeedii ugu dambeeyay guulo wacan gaareen haba ugu dambeeyo Ae Dil Hai Mushkil.
  • Dadka Boxoffice-ka ka faaloodo iyo kooxda cajaladaha qeybiyaan siweyn ayay kaga heleen goos gooska filimkaan oo sababi doonto in dad badan usoo daawasho tagaan.

Wax Yaabaha Caqabad Ku Ah Jolly LLB 2 Fashilna Dhaxilsiin Karo:

Xiliga la daawanayo ma ahan xili wanaagsan waayo bisha Febraayo waa bil filimada waa weyn la daawanin ganacsiga Bollywood-ka uu soo jireen aad u liitay, welina lama arkin filim Febraayo la daawaday oo 100 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay!

Lacagaha Filimka Jolly LLB 2 Ku Baxday Sameyntiisa: 62 Crore qiyaas ahaan

Tiyaatarada Filimka Jolly LLB 2 La Saari Doono: 3200 ilaa 3300-tiyaatar

Xuquuqda Satellite-ka Jolly Lagu Iibsaday: Weli lama iibinin

Xuquuqda Qeybinta Cajaladaha Gudaha Hindiya Jolly LLB 2 Waxaa Lagu Gaday: Weli lama iibinin

Xuquuqda Heesaha/Muusiga Lacagaha Lagu Iibsaday: Weli lama iibinin

Xuquuqda Qeybinta Cajaladaha Daafaha Caalamka JOlly LLB 2 Waxaa Lagu Gaday: Weli lama iibinin

Lacagaha Jolly Laga Helay Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin: Weli lama shaacinin

Sadaasha Laga Bixiyay Lacagaha Uu Keeni Karo Maalintiisa Kowaad: 14 Crore ilaa 15.50 Crore

Sadaasha Laga Bixiyay Lacagaha Uu Keeni Karo Cimri Ahaantiisa: 118 Crore

Sadaasha Laga Bixiyay Guusha Uu Gaari Karo: Super Hit

Aqriste Adiga maxay kula tahay, sadaasha hordhac ah ee filimka Jolly LLB 2 laga bixinaayo sidoo kalena ma isleedahay Jolly LLB 2 wuu guuleesan karaa ama waxaad qabtaa aragti ah inuu filimkaan fashilmi doono.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (698)




"Sadaal Hordhac Ah Oo Laga Bixinaayo Filimka Jolly LLB 2 Iyo Sida Uu Xaalkiisa Boxoffice-ka Noqon Karo", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. cabdala hrithik roshan fans says:

    sxb kala saara kaabil iyo jolly llb we are cunfeused man

  2. ahmed sheelare says:

    Sheekaa kaabil ayaa
    Loo bedelay be see waye

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb qoraal yar yar aya soo laabanayay oo Kaabil ahaa waana badalnay mahad sanid

  3. Ahmed Saleebaan says:

    kaabil maa laga hadlaaa mise jolly llb2




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: