canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Shah Rukh Khan Iyo Salman Khan Oo Mudo 10-Sano Kadib Hal Filim Kasoo Wada Muuqan Doonaan | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Shah Rukh Khan Iyo Salman Khan Oo Mudo 10-Sano Kadib Hal Filim Kasoo Wada Muuqan Doonaan

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay labada Khan ee beryahan saaxiibtinimadooda meel walbo ku muujinayaan Shah Rukh Khan iyo Salman Khan inay mudo 10-sano kadib filim kasoo wada muuqan doonaan.

Salman Khan iyo SRK waxay kasoo wada muuqan doonaan filimka Tubelight ee la daawan doono Eid 2017 wuxuuna SRK filimkaan ku yeelan doonaa muuqaal marti ah.

SRK iyo Salman waxaa isugu dambeesay inay filimkasoo muuqdaan sanadii 2007 oo ay Om Shanti Om isla jileen markaasna Salman ayaa muuqaal marti ah filimkaan ku yeeshay ee uu SRK soo saare ka ahaa.

Qorshaha wuxuu ahaa muuqaalkan martida ah inuu sameeyo ruug cadaa Shatrugan Sinha balse Salman Khan ayaa Director Kabir Khan ka diiday wuxuuna u sheegay in muqaalkaan xiisaha badan ee Tubelight ku jiro SRK sameyn doono.

Waxaan wada sugnaa waa wada shaqeynta Salman iyo SRK hadal heynta xoogan oo ay abuuri doonto sidoo kale filimka Tubelight oo Ciidul Fitriga la daawan doono isaga saameyn lixaad leh ayuu la imaan doonaa marba hadii labadaan Super star kasoo wada muuqan doonaan.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (834)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: