canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Ram Charan Filimkiisa Dhruva Lacagaha Uu Keenay Iyo Natiijada Uu Gaaray Ugu Dambeyntii | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Ram Charan Filimkiisa Dhruva Lacagaha Uu Keenay Iyo Natiijada Uu Gaaray Ugu Dambeyntii

Mega Power Star Ram Charan waxaa tiyaatarada loo saaray 16-kii December 2016 filimka Action-ka iyo qayaanada isku jiro ahaa Dhruva.

Hadaba shabakada Andhara Boxoffice oo ah shabakada Koonfur Hindiya ugu run sheega badan xogta filimadana dhanka Boxoffice si xaqiiqo ah usoo daabacdo ayaa Dhruva kasoo gudbisay macluumaad dhameestiran.

Filimka Dhruva cimri ahaantiisa wuxuu soo xareeyay 89.60 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka mudadii uu tiyaatarada saarnaa.

Waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan filimkaan ka heleen 55.50 Crore taasi oo ka dhigan natiijo ahaan Dhruva inuu noqday Above Average.

Waxaa naga xasuusin ah in kooxda cajaladaha qeybiyaan ay xuquuqda qeybinta filimka Dhruva ku iibsadeen 57.50 Crore sidoo kalena uu Hit dhameestiran noqon lahaa hadii ay ka heli lahaayeen 60 Crore saami ahaan balse 4.50 Crore ayuu ka gaabiyay Dhruva ganacisigiisii ugu dambeeyay marka uu tiyaatarada ka dagay sidaas ayuuna Hit dhameestiran ku noqon waayay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Dhruva lacagaha guud ee uu soo xareeyay, gobol walbo lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyaan ku gateen iyo saami ahaan lacagaha ay ka heleen:

Dhul weynaha Telugu (AP/Nizam): guud ahaan wuxuu kasoo xareeyay 61 Crore, kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 40.55 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 43.40 Crore, qasaaro 2.85 Crore

Gobolka Karnataka: guud ahaan wuxuu kasoo xareeyay 12.50 Crore, kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 6.80 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 6.55 Crore, faa’iido 0.25 Crore.

Gobolada Hindiya Inteeda Kale: guud ahaan wuxuu kasoo xareeyay 3.2 Crore, kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 1.20 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 0.80 Crore, faa’iido 0.40 Crore.

USA: guud ahaan wuxuu kasoo xareeyay 10 Crore, kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 5.50 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 5.25 Crore, faa’iido 0.25 Crore.

Dunida Inteeda Kale Meelaha Laga Daawaday: guud ahaan wuxuu kasoo xareeyay 2.94 Crore, kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 1.45 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 0.80 Crore, faa’iido 0.65 Crore.

Guud Ahaan Filimka Dhruva wuxuu soo xareeyay 89.60 Crore isku darkiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 55.50 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 57.50 Crore taasina waxay ka dhigan tahay in 2 Crore qasaaro ah ay la kulmeen kooxda cajaladaha Dhruva qeybiyeen.

Madaama filimkaan meelaha qaarna faa’iido laga helay meelaha qaarna qasaaro kooban lagala kulmay sidaas ayuu Above Average ku yahay ama waxay u dhigantaa natiijadan Semi Hit.

Ram Charan wuu soo laabtay wuxuu ku helay amaan balaaran doorkiisa filimka Dhruva sidoo kalena in badan filimkaan wuxuu ka wanaagsan yahay filimkiisii Bruce Lee – The Fighter oo sanadii 2015 Flop weyn noqday.

Sidaa darteed Ram Charan culeeska ayaa ka dagay madaama filimkiisa Dhruva guul dhex dhexaad ah gaaray hadana waxaa laga rabaa inuu dadaalka meeshan kasii qabto si uu kaga daba tago labada uu la xifaaltamo Allu Arjun iyo Jr. NTR oo haatan Boxoffice-ka ka awood badan.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1138)




"Rasmi: Ram Charan Filimkiisa Dhruva Lacagaha Uu Keenay Iyo Natiijada Uu Gaaray Ugu Dambeyntii", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. ĎJŁËÊ AMORE says:

    tanx filimside waxan idinka codsanayna wararka tolegu inaad intaa kasii badisaan

  2. ĎJŁËÊ AMORE says:

    tanx filimside waxan idinka codsanayna wararka tolegu inaad intaa ka badisaan




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: