canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Goos Gooska Filimka The Ghazi Attack Oo Lasoo Bandhigay Rana Daggubati Iyo Taapsee Oo Kaa Yaabin Doonaan (+Video) | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Goos Gooska Filimka The Ghazi Attack Oo Lasoo Bandhigay Rana Daggubati Iyo Taapsee Oo Kaa Yaabin Doonaan (+Video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka sida weyn loo hadal haayay The Ghazi Attack oo ay hogaamiye ka yihiin Ranna Daggubati iyo Taapsee Pannu.

The Ghazi Attack waa filimkii ugu h--eeyay ee Hindi ah kaasi oo gabi ahanatiisa biyaha badda lagu duubay madaama uu ka hadlaayo markabkii dagaal Ghazi oo dhibaatadii qabsatay sanadii 1971.

Filimkaan wuxuu ka hadlaa dagaalkii biyaha badda ku dhex maray Hindiya iyo Pakistan bilawgii 70-kii xili Hindiya u doodeesay in Bangladesh xurnimo Pakistan ka qaadato iyo qaabkii markabkii Ghazi ee Pakistan iska lahaayeen loo bur buriyay.

Marka laga soo tago Rana Daggubati iyo Taapsee Pannu filimkaan waxaa sidoo kale wax ka jilayan Kay Menon, Atul Kulkarni, Nassar,Om Puri  oo dhawaan geeriyooday iyo Milind Gunaji.

Filimka The Ghazi Attack waxaa maal galiyeen Karan Johar and AA Films halka uu Director ka yahay Sankalp Reddy qorshahana wuxuu yahay in la daawado 17 bisha Febraayo 2017.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Th Ghazi Attack adigaaba ka heli doontid:

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (334)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. bahal says:

    filmka faalada aad ka bixisay iyo waxan aanu arkayna isma laha takale shalay waxad tidhi markab dagaal oo lawayey meel uu jan iyo cidhib dhigay walina la lalayahay lkn markab dagaal mahee waa gujis iska sax warka

  2. ahmed sheelare says:

    Goos goos maba ku jiro
    Meesha see waayay he




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: