canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Filimka Dangal Iyo Talaadadiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Filimka Dangal Iyo Talaadadiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Bollywood Super Star Aamir Khan filimkiisa Dangal qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo waxaa u suura gashay si rasmi ah inuu Talaadadiisa sedexaad gudaha Hindiya kasoo xareeyo 3.75 Crore (Trade Figure) sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Dangal mudo 19-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 341 Crore waa qaybtiisa Af Hindiga oo kaliya lagu daawanayo sidoo kalena filimkaan wuxuu noqon doonaa midka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa sedexaad asigoo keeni doono 44 Crore wuxuu jebin doonaa iskoorka PK oo todobaadkiisa sedexaad keenay 41.32 Crore.

Dangal mudo 19-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay fadlan hoos kaga bogo:

Todobaadka Kowaad – 192.49 Crore

Toodbaadka Labaad- 111.50 Crore

Jimcada sedexaad – 6.25 Crore

Sabti sedexaad – 10 Crore

Axada sedexaad – 13.50 Crore

Isniinta sedexaad – 4.25 Crore

Talaado sedexaad – 3.75 Crore

Todobaadka sedexaad mudo 5-maalmood ah – 37.75 Crore

Wadarta Guud – 341.63 Crore (Trade Figure) waa qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya lacagaha uu ka keenay.

Dangal qaybtiisa Tamil iyo Telugu lagu daawanayo wuxuu haatan dhaafay ganacsi ahaan marayaa 11 Crore asigoo cimri ahaantiisa ku istaagi doono 12 Crore.

Dangal hadii loogu daro lacagaha qaybta Tamil iyo Telugu lagu daawaday filimkaan wadarta guud Hindiya oo dhan mudo 13-maalmood wuxuu kasoo xareeyay 353.3 Crore (All India Business).

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (688)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. xasancilmijeeri. says:

    tira yaraa lacagta boxofficeindia 9 cr ayaa u dhaxayso lacagha kale balse dhib male asigoo iska guur guuranaayo ayuu tagi doona ilaa 380cr..




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: