canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Filimka Dangal Iyo Sabtigiisa Sedexaad Lacagaha Uu Keenay Iskoor Cusub Ayuu Sameeyay | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Filimka Dangal Iyo Sabtigiisa Sedexaad Lacagaha Uu Keenay Iskoor Cusub Ayuu Sameeyay

Inaba caadi ma ahan filimka Dangal ayaa sameeyay sare u kac xoogan Sabtigiisa sedexaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay.

Dangal wuxuu noqday filimkii ugu h--eeyay ee 10 Crore soo xareeyo taariikh ahaan Sabtigiisa sedexaad wuxuuna dhaafay iskoorkii filimka PK oo sanadii 2014 sabtigiisa sedexaad keenay 8.25 Crore.

Dangal wuxuu fursad weyn u heestaa inuu dhaafo iskoorka PK ee ah inuu yahay filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu h--eyso (Third Weekend) asigoo keenay sanadii 2014 lacago gaarayo 26.75 waana hubaal in Dangal isla xiligaas oo kale ama uu keeni doono 30 Crore ku dhawaad!

Dangal mudo 16-malamood ah gudaha Hindiya wuxuu kasoo xareeyay 320 Crore qaybtiisa Af Hindiya lagu daawanayo sidaasna wuxuu ku noqday filimka labaad ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyay wuxuuna dhaafay Bajrangu Bhaijaan oo 315 Crore kaalinta labaad ugu jiray.

Fadlan hoos kaga bogo Dangal lacagaha uu keenay ilaa haatan mudo 16-maalmood ah:

Todobaadka Kowaad – 192.49 Crore

Toodbaadka Labaad- 111.50 Crore

Jimcada sedexaad – 6.25 Crore

Sabti sedexaad – 10 Crore

Wadarta Guud – 320.13 Crore (Trade Figure) waa qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya lacagaha uu ka keenay.

Dangal qaybtiisa Tamil iyo Telugu lagu daawanayo wuxuu haatan dhaafay ganacsi ahaan 10 Crore asigoo cimri ahaantiisa ku istaagi doono 12 Crore.

Dangal qaybta af Tamil lagu daawaday wuxuu keenay 7.25 Crore halka qaybta Telugu lagu daawaday uu keenay 3.25 Crore.

Dangal hadii loogu daro lacagaha qaybta Tamil iyo Telugu lagu daawaday filimkaan wadarta guud Hindiya oo dhan mudo 13-maalmood wuxuu kasoo xareeyay 330.63 Crore (All India Business).

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1015)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. maanta sara u kac xoogan ugu yaraan 15 cr..




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: