canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Filimka Dangal Iyo Isniintiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Filimka Dangal Iyo Isniintiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay

Filimka Dangal Ee Super Star Aamir Khan hogaamiye ka yahay ayaa u suura gashay inuu gudaha Hindiya kasoo xareeyo 4.25 Crore (Trade Figure) qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo Isniintiisa sedexaad sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Dangal wuxuu sameeyay hoos u dhac ganacsigiisa waxaana ugu wacan in haatan xili shaqo tahay sidoo kalena filimkan h--ey ganacsi waali ah u sameenayay todobaadyadii ugu dambeesay.

Dangal lacagaha uu keenay Isniintiisa sedexaad wuxuu noqday filimka labaad ee Isniinta sedexaad lacagaha ugu badan keeno kaliya PK ayaa ka badan oo isla xiligaan oo kale keenay 4.40 Crore.

Dangal mudo 19-maalmood wuxuu bar bareeyay iskoorkii filimka PK ee isla Aamir Khan sameeyay kaasi oo sanadii 2014 keenay 338 Crore waa marka Dangal loo xisaabinaayo qaybtiisa Af Hindiga kaliya lagu daawaday lacagaha uu keenay oo aan lagu daray Tamil iyo Telugu lacagaha uu ka keenay.

Fadlan hoos kaga bogo Dangal lacagaha uu keenay 19-kii Maalmood ee ugu dambeesay ganacsigiisa qaybta Af Hindiga lagu daawanayo:

Todobaadka Kowaad – 192.49 Crore

Toodbaadka Labaad- 111.50 Crore

Jimcada sedexaad – 6.25 Crore

Sabti sedexaad – 10 Crore

Axada sedexaad – 13.50 Crore

Isniinta sedexaad – 4.25 Crore

Todobaadka sedexaad mudo afar maalmood ah – 34 Crore

Wadarta Guud – 337.88 Crore (Trade Figure) waa qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya lacagaha uu ka keenay.

Dangal qaybtiisa Tamil iyo Telugu lagu daawanayo wuxuu haatan dhaafay ganacsi ahaan marayaa 11 Crore asigoo cimri ahaantiisa ku istaagi doono 12 Crore.

Dangal hadii loogu daro lacagaha qaybta Tamil iyo Telugu lagu daawaday filimkaan wadarta guud Hindiya oo dhan mudo 13-maalmood wuxuu kasoo xareeyay 349.55 Crore (All India Business).

Sida muuqato filimka Dangal todobaadkiisa sedexaad wuxuu keeni doonaa lacago u dhaxeeyo 44 Crore ilaa 45 Crore sidaasna wuxuu ku noqon doonaa filimka taariikh ahaan todobaadkiisa sedexaad lacagaha ugu badan soo xareeyay!

Dangal sedex todobaad marka uu dhameesto waxay lacagtiisa gaari doontaa 348 Crore qaybta Af Hindiga lagu daawanayo sidoo kalena cimri ahaantiisa filimkaan wuxuu ku istaagi doonaa 365 Crore qiyaas ahaan.

Natiijada Filimka Dangal: All Time Blockbuster

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (654)

"Rasmi: Filimka Dangal Iyo Isniintiisa Sedexaad Lacagaha Uu Gudaha Hindiya Ka Keenay", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: