canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge RASMI: Deepika Oo War Cad Kasoo Saartay Haddii Uu VIN DIESEL Kala Soo Muuqan Doono Showga Koffee With Karan | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

RASMI: Deepika Oo War Cad Kasoo Saartay Haddii Uu VIN DIESEL Kala Soo Muuqan Doono Showga Koffee With Karan

Atariishada u dhalatay India Deepika Padukone ayaa si weyn ugu mashquulsan xayeysiinta filimkeeda ugu horreeya ee shirkadda aflaanta Hollywood XXX: The Return of Xander Cage waxayna haatan ku sugan tahay caasimadda London ee United Kingdom.

31 sanno jirtaan Deepika Padukone ayaana saxaafadda la hadashay markii ay ka degtay London, waxyaabihii ugu horreeyey ee la weydiiyey ayaana waxaa ka mid ahaa haddii uu atooraha weyn ee Mareykanka u dhashay Vin Diesel kala soo muuqan doono showga Koffee With Karan Season 5 marka ay labadoodu safar maalmo ah ku tagaan India.

Deepika ayaase wararkaas xanta ah qashinka ku dartay waxayna daaha ka qaaday in uusan 49 sanno jirkaan Vin Diesel kala soo muuqan doonin showgaan, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu tegayo India si uu xayeysiin ugu sameeyo filimkiisa oo xilli hore dalkaas laga daawan doono.

Deepika filimkeeda ugu horreeya ee shirkadda Hollywood ayaa si weyn looga sugayaa adduunka oo dhan. Filimkaan ayaana la daawan doonaa 19ka bishaan Janaayo.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (456)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: