canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Rasmi: Aamir Khan Wuxuu Marayaa 7-Filim Oo Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Taariikh Ahaan | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Rasmi: Aamir Khan Wuxuu Marayaa 7-Filim Oo Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Taariikh Ahaan

Bollywood Mr. Perfectionist Aamir Khan filimkiisa Dangal wuxuu si rasmi ah u noqday filimka lacagaha ugu badan 2016 soo xareeyay darajadaan isaga ayay gaar u tahay.

Sidaa darteed Aamir Khan waayihiisa fanka inta uu ku jiro wuxuu sameeyay 7-filim oo noqdeen kuwa sanadka lacagaha ugu badan soo xareeyeen 7-sano oo kala duwan.

Aamir Khan haatan wuxuu hiigsanayaa inuu soo qaabto Salman Khan oo isagana heesto 9-filim oo noqdeen kuwa lacagaha ugu badan 9-sano oo kala duwan soo xareeyeen.

Aamir Khan iyo Salman Khan 9-kii sano ee ugu dambeesay labadooda ayaa qeebsadeen filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen Bollywood-ka midaas waxay ka dhigan tahay in labadaan Super Star Bollywood-ka awood ku heestan.

9-kii sano ee ugu dambeesay 9-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen Aamir Khan wuxuu iska leeyahay 5-filim (2008, 2009, 2013, 2014 iyo 2016), halka Salman Khan uu isagana iska leeyahay 4-filim (2010, 2011, 2012, 2015).

Fadlan hoos kaga bogo Super Star-da caanka ah kuwooda sameeyeen filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen sanado kala duwan:

Image result for dilip kumar movies

Dilip Kumar – wuxuu sameeyay 9-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen  (Jugnu, Shaheed, Aan, Madhumati, Mughal-E-Azam, Ganga Jamuna, Kranti, Vidhaata, Karma).

Image result for salman khan

Salman Khan – wuxuu sameeyay 9-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Maine Pyaar Kiya, Saajan, Hum Aapke Hain Koun, Hum Saath Saath Hain, No Entry, Dabangg, Bodyguard, Ek Tha Tiger, Bajrangi Bhaijaan) waayihiisa fanka Hindiya.

Image result

Aamir Khan – wuxuu sameeyay 7-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen  (Dil, Raja Hindustani, Ghajini, 3 Idiots, Dhoom 3, PK, Dangal) waayihiisa fanka Hindiya.

Image result for shah rukh khan

Shahrukh Khan – wuxuu sameeyay 5-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Dilwale Dulhaniya Le Jayenge, Kuch Kuch Hota Hai, Devdas, Veer-Zaara, Om Shanti Om) waayihiisa fanka Hindiya.

Image result for raj kapoor 50s

Raj Kapoor – wuxuu sameeyay 5-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Barsaat, Awaara, Shree 420, Anari, Sangam).

Image result for dharmendra in 70s

Dharmendra – wuxuu sameeyay 5-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Phool Aur Patthar, Aankhen, Seeta Aur Geeta, Sholay, Hukumat) waayihiisa fanka Hindiya.

Image result for amitabh bachchan in 70s

Amitabh Bachchan – wuxuu sameeyay 5-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Sholay, Amar Akbar Anthony, Muqaddar Ka Sikandar, Suhaag, Coolie) waayihiisa fanka Hindiya.

Image result for anil kapoor in 80s

Anil Kapoor – wuxuu sameeyay 4-filim oo lacagaha ugu badan soo xareeyeen (Karma, Tezaab, Beta, No Entry) waayihiisa fanka Hindiya.

Aqriste Qiyaas Ka Bixi Atoorahee Sameyn Doono Filimka Lacagaha Ugu Badan Soo Xareen Doono Sanadkaan 2017……………

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1638)

"Rasmi: Aamir Khan Wuxuu Marayaa 7-Filim Oo Lacagaha Ugu Badan Soo Xareeyeen Taariikh Ahaan", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (10)

  1. mohamed says:

    Aniga haddan ra’yigayga kahadlo xiddiga sanadaha danbe ugu awooda badan waa aamirkhan.

  2. m.guursde says:

    akshay kumar ayaa soo xarayn doona 3da filim ee u diyarsan waxay noqanayan hit-dhamestiran sidii looga bartay…thnks filimside.net

  3. 2017 waa Mega Star SALMAN KHAN waliba Tiger Zinda Hai ayaan filayaa inuu noqonaayo Hitka ugu weyn

  4. Yasmin💝💝💝💝 says:

    King khan 🙋

  5. Abdirahman says:

    Jacbur wll All time Record waa Pk 729 Crore

  6. H$A.KHAN says:

    anigu labada atoore oo lacagaha ugu badan soo xareynaya 2017 Hrithik and Amirkhan hadii runta la shego

  7. jacbur says:

    abid film ay Hindi samayso keeba lacagta ugu badan soo xareeyey inaad jwb iga siiisaaan baaaan rajyn mahadsanidiiiiiin bahda filmside

  8. yaa kale hee waa salman khan 2017 taas ciyaal ka filim barad ka ah xitaa way ogyihiin..

  9. Hibaaq abdulaahi says:

    Shah Ruh khan ayaa so xareyn doona 2017da

  10. Hibaaq abdulaahi says:

    Shah ruh khan




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: