“Qalbigeyga Shaqsi Kale Ayaa Degay” – Gabadha Lagu Xanto Salman Khan Ee Iulia Vantur Waxaa Kasoo Yeeray Hadal Aysan Cidna Filaneyn

Modelka u dhalatay dalka Romania Iulia Vantur ayaa waxaa si joogto ah arrimaheeda jaceylka uga hadla warbaahinta India. Gabadhaan ayaa waxaa lagu xantaa inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo atooraha caanka ah ee Bollywood Salman Khan.

36 sanno jirtaan Iulia Vantur ayaa waxaa dhowaan lagu casuumay showga caanka ah ee aadka loo daawado The Kapil Sharma Show. Quruxleyda u dhalatay Romania ayaa wuxuu ujeedkeedu ahaa inay showgaan ku xayeysiiso albunkeeda ugu horreeya Aap Se Mausiqui waxaana heesahaas intooda badan ay si tallaantaali ah u qaadayaan Himesh Reshammiya.

Intii lagu jiray showgaan, gaar ahaan barnaamijkiisa su’aalaha iyo jawaabaha ah. Iulia ayaa waxaa si kaftan ah loo weydiiyey su’aal la doonayey in looga soo saaro cidda ay jeceshahay taasoo kaftan aheyd… Waxayna u dheceysay ‘Ma laga yaabaa inaad guursato wiilkaaga?

Balse iyadoo dhoolla caddeyneysa ayey ku jawaabtay: “Qalbigeyga shaqsi kale ayaa degay”… Waxaana hadalkaas loo fasiray inay ula jeedo in uusan jirin shaqsi kale oo ay jaceyl u qaadi karto maadaama ay dooneyso inay noqoto marwada Salman Khan oo ah doobka ugu weyn Bollywood.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1515)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: