canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Parineeti Chopra Qoraal Ay Baraha Bulshada Soo Dhigtay Ayay Waji Gabax Kala Kulantay Kadibna Wey Tirtirtay!! | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Parineeti Chopra Qoraal Ay Baraha Bulshada Soo Dhigtay Ayay Waji Gabax Kala Kulantay Kadibna Wey Tirtirtay!!

Mararka qaar waxaa wanaagsan qoraalka baraha bulshada lasoo dhigaayo in si fiican looga fiirsado madaama ay xasarad badan abuuri karaan.

Balse inta badan jilaayaasha Bollywood-ka waxay jecel yihiin inay qoraalo iyo sawiro baraha bulshada soo dhigaan si ay taageerayaashooda ula fal galaan xogna ka siiyaan halka ay ku sugan yihiin.

Hadaba atirishada caanka ah Parineeti Chopra ayaa sawir iyo qoraal soo dhigtay barta Instagram-ka xili ay taageerayaasheeda kula socod siineesay inay magaalada Dubai fasax ku joogto.

Hadaba Parineeti waxay soo dhigtay nin boorsadeeda u wado sidoo kalena daladana qoraxda kaga celinaayo waxayna soo raacsiisay qoraalkan “Hadii qof kale uu dalladaada kuu celinaayo xidig yar ayaad noqon kartaa, waxaan doonayaa inaan qof caan ah noqdo!”

In ka badan 500 faalo ayaa laga soo bixiyay sawirka ay soo dhigtay Parineeti Chopra barta Instagram-ka weliba xidigtaan weerar xoogan ayaa lagu qaaday ayadoo dadka qaar ku dheheen “Waxaa fiicneyd in dallada 100-kiilo ahaato, hadii aad dalladaada gacantaada ku qaadatid kama dhigno in xidignimadaada hoos u dhaceyso!!!”

Parineeti waxaa laga dhaliilay qof culees wado oo dabcan boorsooyinkeeda garbaha ku sido inay hadana ka dalbatay inuu dallada qoraxda kaga celiyo una aragtay hadii ay dallada gacanta ku qabsato in xidignimadeeda wiiqmeyso!!

Madaama ay Parineeti Chopra garwaaqsatay inay qalad gashay sidoo kalena sawirka iyo qoraalkeeda muran badan dhaliyeen gabi ahaanba barta Instagrama wey ka saartay wixii ay soo galisay.

Parineeti Chopra ayaa barta Facebook qoraal kale soo dhigtay oo ay qaladkeedii ku saxeesay waxayna tiri “Waxay ahayd maalin aan ku daalay Dubai balse cajiib badan, haatan waxaan u baahanahay hurdo dheeraad ah, waxaan u qalab qaadanaa berito, dabcan dalladana aniga ayaa hada kadib gacanteyda ku qaadan doono!”

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1629)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: