canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Miyaa La Gaaray Xilligii Ay Deepika Padukone Qiran Laheyd Jaceylka Ay U Qabto Ranveer Singh? – Showga Ellen DeGeneres Ayaa Kala Caddeyn Doona | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Miyaa La Gaaray Xilligii Ay Deepika Padukone Qiran Laheyd Jaceylka Ay U Qabto Ranveer Singh? – Showga Ellen DeGeneres Ayaa Kala Caddeyn Doona

Showga laga jecel yahy Mareykanka Ellen DeGeneres ayaa dhowaan waxaa lagu arki doonaa atariishada u dhalatay dalka India Deepika Padukone, waxaana looga wareysan doonaa arrimo la xiriira nolosheedka shaqsiga ah iyo qorsheyaasheeda ku aadan xirfaddeeda shirkadda aflaanta Mareykanka ee Hollywood.

Xalqadda ay Deepika uga jirto The Ellen DeGeneres Show ayaana durba xayeysiinteeda la bilaabay, waxaana atariishada filimka xXx: Return of Xander Cage ay si gaar ah uga hadli doontaa arrimo ku saabsan jaceylkeeda. Sida ay wararku sheegayaan, xalqaddaan ayaa waxaa la duubi doonaa 16ka ama 17ka bishaan Janaayo. Waxaana India laga daawan doonaa 19ka Janaayo, taleefashinka Romedy Now ayaana baahin doona.

Wararku waxay sheegayaan in xalqaddaan uu kula jiri doono isla markaana showgaan lagu marti qaadi doono jillaaga caanka ah ee u dhashay Mareykanka Matt LeBlanc.

Daadihiyaha showgaan ahna gabadha caanka ah Ellen DeGeneres ayaana waxay Deepika weydiin doontaa su’aalo la xiriira nolosheeda gaarka ah, sida ay bulshada ula dhaqanto iyo qaabka ay qorsheyneyso inay uga shaqeysato USA.

Haatan Deepika waxay ku sugan tahay London halkaasoo ay xayeysiin ugu sameyneyso filimkeeda xXx: Return of Xander Cage waxayna halkaas joogi doontaa muddo laba maalmood ah.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow atariishadaan, Deepika ayaa booqan doonta India halkaasoo ay filimkeeda xayeysiin ugu sameyn doonto 12ka illaa 13ka bishaan Janaayo.

Bal aan sugno sida ay xiriirkeeda jaceylka uga hadasho Deepika Padukone iyo haddii ay ugu dambeyn qiran doonto inay jeceshahay Ranveer Singh.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (906)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: