Maxaa Kala Qabsaday Filimsameeye Karan Johar Iyo Nin Twitter Ku Weydiiyey Haddii Uu LAGAROONE Yahay?

Filimsameeye Karan Johar maalmahaan tooshka ayaa lagu shiday waxaana lagu heystaa arrimo la xiriira inuu caddeeyo jinsigiisa rasmiga ah. Saxaafadda iyo shacabweynaha dalkiisa India ayaana isweydiinaya su’aalo la xiriira haddii uu LAGAROONE yahay.

Su’aalo badan ayaana la weydiinayaa filimsameeyahaan caanka ah isla markaana sidoo kale daadihiyaha ka ah showga Koffee With Karan. Mid ka mid ah macaamiisha Twitter kula xiran ayaana su’aashaas oo kale weydiiyey.

Ninkaani wuxuu aragti ka dhiibanayey farriin uu Karan soo dhigay akoonkiisa Twitter, wuxuuna weydiiyey: “Karan Johar, ma waxaad tahay LAGAROONE? Waxaan diyaar u ahay inaan sheego anigu jinsiga aan ahay haddii aad adigu i caawineyso”.

Maalgeliyahaan dhanka aflaanta Karan ayaana siiyey jawaabtii uu u qalmay isagoo ku yiri: “Marka hore adigu xal ka gaar dhibaatada ku heysata ee dhanka jinsiga ah. Aniga middeydu ma ahan shaqo kuu taalla”.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (2136)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. haybe says:

    Waa layaab laga roone




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: