canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Maxaa Ka Jira In Aysan Isla Shaqeyn Doonin Farhan Akhtar Iyo Akshay Kumar? | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Maxaa Ka Jira In Aysan Isla Shaqeyn Doonin Farhan Akhtar Iyo Akshay Kumar?

Shirkadda maalgelisa aflaanta ee uu leeyahay Farhan Akhtar laguna magacaabo Excel Entertainment ayaa waxay noqon doontaa shirkadda iska leh maalgelinta filimka uu hogaamiyaha ka yahay Akshay Kumar ee Gold. Waxaana filimkaan agaasime ka ah Reema Kagti.

Akshay ayaa wuxuu filimkaan ku matali doonaa doorka Balbir Singh, waana nin soo ahaan jiray Indian Hockey Player kaasoo ku guuleystay billad dahab ah intii lagu jiray ciyaarihii Olympics ee sannadihii 1948, 1952 iyo 1956.

Waxaa jiray warar xan ah oo soo baxayey kuwaasoo sheegayey inuu Farhan Akhtar filimkaan door hogaan ah ku yeelan doono, laakiin wararku waxay sheegayaan inuu Director Reema Kagti ka saaray filimkaan.

Wararka xanta ah ayaa sheegaya inuu Farhan Akhtar ka cagojiidayey inuu caawiye ka noqdo filimkaan uu hogaamiyaha ka yahay Akshay Kumar.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu Farhan diiday inuu caawiye ka noqdo filim weyn oo uu hogaamiye ka yahay jillaa weyn, xusuuso sannadkaan wuxuu iska diiday Raees waxaana doorkii loogu talogalay sameeyey Nawazuddin Siddiqui.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (634)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: