canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Manisha, Mahima, Mamta Iyo Qaar Ka Mid Ah Atirishooyinkii 90-kii Sida Ay Maanta Muuqaal Ahaan Isku Badaleen (+Sawiro) | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Manisha, Mahima, Mamta Iyo Qaar Ka Mid Ah Atirishooyinkii 90-kii Sida Ay Maanta Muuqaal Ahaan Isku Badaleen (+Sawiro)

Bollywood-ka waa goob yaab badan waayo inta uu qofka ku jiro ayuu leeyahay soo jiidasho iyo bilic gaar ah balse marka uu ka baxo jilaaga isbadal weyn ayaa muuqaal ahaan ku imaanayo.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa qaar ka mid ah atirishooyinkii 90-kii laga dambeeyay iyo sida ay maanta isku badaleen madaama ay qaar miisaanka ku kordhay halka qaar kalena da’da siweyn uga muuqato inay isbadaleen.

Fadlan hoos kaga bogo sawiro la is bar bar dhigaayo atirishooyinkii 90-kii shalay iyo maanta muuqaal ahaan farqiga u dhaxeeyo:

Shilpa Shirodkar: waxay filim jilista ka fariisatay sanadii 1999 haatana filimada musal salada ayay wax ka jishaa.

Mahima Chaudhary: sanadii 2006 markii ay guursatay shaqada filim jilista wey iska yareesay, laakiin sanadkii h--e ayay filimka Dark Chocolate kusoo laabatay.

Pooja Bhatt: 90-kii siweyn ayaa looga dambeeyay laakiin markii ay guursatay saaxada waa laga waayay, kadib Director ayay noqotay ayadoo sameesay filimada J--m, Paap iyo kuwo kale.

Mamta Kulkarni: quruxleydaan 90-kii caanka ahayd, halmar ayay hawada ka baxday markii ay guursatay Vicky Goswami oo la sheegay inuu daroogada ka ganacsan jiray.

Meenakshi Seshadri: waa atirishadii sameesay filimada Ghayal, Damini iyo Ghatak, laakiin markii la guursaday oo ay USA u guurtay ayaa saaxada Bollywood-ka ugu dambeesay.

Kimi Katkar: marnaba la hilmaami karo waa xidigtii heesta hirgashay jhumma chumma qaaday, laakiin markii la guursaday ayaa warkeedii ugu dambeeyay, waxaana guursaday sawir qaade Hindi ah oo xidigtaan dajiyay dalka Australia.

Ayesha Jhulka: 90-kii filim caan ah oo hirgaleen ayay kasoo muuqatay balse markii ay reer yeelatay nabad galo ayay dhahday Bollywood-ka iyo bicdaaliskiisa!

Manisha Koirala: Xidigtaan nolol kala duwan oo dhib badan ayay dhexda ka gashay wixii ka dambeeyay 90-kii sidoo kalena magaceedii Bollywood-ka wuu iska dhintay, ayadoo guursatay sidoo kalena ay nolosheediii bur burtay dhawaana xanuunka Cancer-ka oo ilmo galeenka kaga dhacay ayay ka bad baaday ama kasoo kabatay!

Anu Aggarwal: waa quruxleydii filimkii Aashique sameesay sanadii 1990 kaasi oo Hit weyn noqday laakiin nasiib xumo sanadii 1999 ayay shil baabuur gashay kaasi oo sababay inay 29-maalmood Koomo ku jirto xasuustana ay ka lunto.

Dhawaan waxay qortay buug ayay kaga hadleyso nolosheedii iyo marxaladii dhibka badneyd oo ay soo martay sanooyin badan.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (3294)

"Manisha, Mahima, Mamta Iyo Qaar Ka Mid Ah Atirishooyinkii 90-kii Sida Ay Maanta Muuqaal Ahaan Isku Badaleen (+Sawiro)", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. cabdala hrithik roshan fans says:

    flimside hanoolato hamuufaysato waxaad noso gudbisan aadban uga helnaa

  2. haybe says:

    Filimside waa lama huraan noo soo badiya waxwalba xiiso leh

  3. Fadxi Garaad Ciise UK says:

    Haa sx




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: