canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Hrithik Roshan Oo Weerar Ku Qaaday Kangana Ranaut Iyo Dagaal Afka Ah Oo Dhexmara Labadooda Oo Wadada Kusoo Jira! | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Hrithik Roshan Oo Weerar Ku Qaaday Kangana Ranaut Iyo Dagaal Afka Ah Oo Dhexmara Labadooda Oo Wadada Kusoo Jira!

Sannadkii dhammaaday 2016ka, shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood uma aheyn sannad lagu riyaaqay marka la fiirsho khilaafyada muranka dhaliyey ee dhexmaray shaqaalaheeda iyo fadeexooyinka bannaanka lasoo dhigay.

Atariishada caanka ah Kangana Ranaut iyo atooraha aan ka dhicin Hrithik Roshan ayaana la xusuustaa inay sharciga isla tiigsadeen ka dib markii uu khilaafkoodu gaaray heerkii ugu sarreeyey.

Dagaalkaan afka ah waxaa bilaabay Kangana maadaama ay Hrithik Roshan ugu yeertay shaqsi doqon ah oo ay xiriir jaceyl lasoo sameysay. Hrithik ayaana markiisa weerar afka ah ku qaaday atariishadaan la sameysay filimkiisa caanka ah ee Krrish.

Hrithik wuxuu bilaabay ka dib inuu isku dayo inuu tallaabo sharci ah ka qaado atariishada Kangana, laakiin marnaba labadoodu ma aysan joojin weerarka afka ah. Kangana ayaana xitaa diiday inay ka xishooto inay ka hadasho wax walba oo maankeeda kusoo dhaca.

Dagaalkaasi wuxuu qaboobay dabayaaqadii sannadkii tegay. Hrithik ayaase haatan dib u bilaabay weerarka afka ah wuxuuna atariishadaan ku tilmaamay mid aan muuqaal ahaan isku faraxsaneyn sida loo sameeyey wuxuuna hadalkaan ka sheegay goob uu xayeysiin ugu sameynaayey filimkiisa Kaabil ee la daawan doono dabayaaqada bishaan.

Kangana iyo jawaabta ay ka bixi doonto hadalka Hrithik ayaana ah waxa laga wardhowrayo haatan, balse filo inuu markale bilowdo dagaal afka ah oo u dhexeeya labadooda.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1814)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: