canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge HOLLYWOOD: Lammaanaha Caanka Ah Angelina Jolie Iyo Brad Pitt Oo Gaaray Heshiis Ku Saabsan Furriinkooda | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

HOLLYWOOD: Lammaanaha Caanka Ah Angelina Jolie Iyo Brad Pitt Oo Gaaray Heshiis Ku Saabsan Furriinkooda

Atariishada caanka ah ee shirkadda aflaanta Hollywood Angelina Jolie ayaa go’aansatay inay burburiso guurkeedii ay lacagta faraha badan ku baxday markii ay maxkamadda dhigtay warqad ay furriin uga dalbaneyso seygeeda ahna atooraha caanka ah ee shirkadda Hollywood Brad Pitt.

Wixii intaas ka dambeeyey xiriirka ka dhexeeya Angelina Jolie iyo Brad Pitt oo ay lix caruur ah ka dhexeyso ayaa aad u liitay. Balse haatan wararku waxay sheegayaan inay labadoodu heshiis gaar ah isla meeldhigeen.

Heshiiskaani wuxuu dhigayaa in aysan maxkamaddu xukmin doonin furriinkooda, sidaas darteed ay labadooda oo keliya ka tashan doonaan qorshaha furriinka isla markaana uu u gaar ahaan doono. Mana jiri doonaan wax farogelin ah.

Bayaan ay labadoodu si rasmi ah usoo saareen Isniintii ayaa daaha looga qaaday inay heshiiskaan isla meeldhigeen labadoodu. Sidaas darteed wax walba oo macluumaad ah oo ku saabsan furriinkooda mustaqbalka ayaa gaar u ahaan doona saxaafaddana lama wadaagi doonaan, sida ay shaacisay majaladda caanka ah ee People.

Pitt iyo Jolie – waxay waalid u yihiin lix caruur ah waana Maddox, oo 15 sanno jir ah, Pax, oo 13 sanno jir ah, Zahara, oo 11 sanno jir ah, Shiloh, oo 10 sanno jir ah, iyo mataanaha Knox iyo Vivienne, oo labaduba 8 sanno jir ah. Sidaas darteed, Pitt wuxuu haatan xornimo u heli doonaa inuu caruurtiisa si joogto ah waqti ula qaato.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (634)




"HOLLYWOOD: Lammaanaha Caanka Ah Angelina Jolie Iyo Brad Pitt Oo Gaaray Heshiis Ku Saabsan Furriinkooda", 5 out of 5 based on 1 ratings.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: