canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Dangal Vs Bajrangi Bhaijaan Vs PK: Mudo Labo Todobaad Tirada Qof Ee Tikit U Goosatay Filimadaan | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Dangal Vs Bajrangi Bhaijaan Vs PK: Mudo Labo Todobaad Tirada Qof Ee Tikit U Goosatay Filimadaan

Shabakada Boxoffice India Trade Network ayaa soo bandhigtay isku bar bar dhig rasmi ah oo ay ku sameesay filimada Dangal V Bajrangi Bhaijaan v PK mid walbo inta qof ee tikit u goosteen mudo labo todobaad ah.

Sida muuqato Dangal wuxuu dhaafi doonaa iskoorka Bajrangi Bhaijaan oo haatan ah 15-kii sano ee ugu dambeesay filimka loogu daawasho badan yahay Bollywood-ka.

Dangal waxaa siweyn u caawiyay canshuurta xili h--e gobolada qaar laga dhaafay midaas oo sare u qaaday tirada dadka ah ee tiyaatarada soo aadeen madaama tikit-ka qiimo jaban looga iibinaayo marba hadii filimka canshuurta laga dhaafay.

Bajrangi Bhaijaan ee uu Salman Khan hogaamiye ka ahaa waxaa sanadii 2015 tikit u goosatay 35-milyan iyo 400,000 oo qof halka PK oo Aamir Khan sameeyay isagana sanadii 2014 tikit u goosteen 35-milyan oo qof.

Balse Banrangi Bhaijaan iyo PK waxaa dhaafi doono Dangal oo qiyaas ahaan marka uu tiyaatarada ka dago tikit u goosan doonaan 36-milyan oo qof.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad isku bar bar dhig lagu sameeyay Dangal V Bajrangi Bhaijaan v PK mid walbo inta tikit u goosatay:

Todobaadka Kowaad)

Dangal – 19-milyan iyo 265,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Bajrangi Bhaijaan – 20-milyan iyo 154,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 18-milyan iyo 135,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

 

Todobaadka Labaad

Dangal – 11-milyan iyo 572,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Bajrangi Bhaijaan – 9-milyan iyo 972,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 10-milyan iyo 74,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

 

Wadarta Guud (Labo Todobaad)

Dangal – 30-milyan iyo 837,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Bajrangi Bhaijaan – 30-milyan iyo 126,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 28-milyan iyo 209,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (625)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. mirza says:

    Sxb filimka sanam Teri kasam ee saif Ali Khan and pooja bhath maxaa dib loogu dhigay halkii uu kasoo bixii lahaa 1994 ayuu soo baxay 2009 sababta ii sheeg Sxb plz

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb filimka dib u dhigistiisa jilaayaasha sabab uma ahan ee kooxda iska leh ayaa laga rabaa inay tiyaatarada soo saaraan, waxaa film dib u dhigi karo in lacagihii lagu saari lahaa tiyaatarada la waayo ama filim soo saaraha dhaqaalo xumo ka dhacdo markaas wuxuu iska noqonaa mashruuc meel la iska dhigo.

  2. hamse jijiga poy says:

    ka xiiso badnaan lahaa bilada inuu qaato
    2017




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: