canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Bollywood vs. Hollywood: 15 Filim Oo Ay Sannadkaan Sameyn Doonaan Hollywood Oo Qalqal Gelin Kara Salman, Akshay Iyo Xiddigo Kale & Taariikhda Tartan Ee Labadaan Shirkadood | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Bollywood vs. Hollywood: 15 Filim Oo Ay Sannadkaan Sameyn Doonaan Hollywood Oo Qalqal Gelin Kara Salman, Akshay Iyo Xiddigo Kale & Taariikhda Tartan Ee Labadaan Shirkadood

Shah Rukh Khan oo ka mid ah atooreyaasha Bollywood ee aflaantooda ganacsiga wanaagsan sameeyaan ayaa wuxuu xilli daaha ka qaaday inay jirto sabab uu uga cabsado inay aflaantiisu soo baxaan xilli uu tiyaatarrada kusoo beegan yahay filim ay leedahay shirkadda Hollywood ee dalka Mareykanka.

Waana xaqiiq, aflaanta Bollywood waxay tartan dadban la galaan kuwa Hollywood. Shirkadda aflaanta dalka India ayaana inta badan iska ilaalisa tartankaas maadaama ay guuldarro xilli hre ay kala kulmaan. Tusaale ahaan filimkoodii FAN ee uu hogaamiyaha ka ahaa SRK waxaa ganacsigiisa saameyn weyn ku yeeshay arrintaan oo kale markii ay si dadban isugu dheceen filimkii The Jungle Book ee ay Hollywood lahaayeen.

Aflaanta kale ee Hollywood ay soo saareen tiyaatarrada kuwaasoo suuqyada ku garaacay aflaan ay leeyihiin Bollywood ayaa waxaa ka mid ah Captain America: Civil War, Deadpool, Conjuring 2, Suicide Squad iyo Batman V Superman: Dawn of Justice… Sidaas darteed sannadkaan 2017ka ayaan markale khibrad u yeelan doonaa loolan suuqyada caalamka iyo kuwa maxalliga ah ku dhexmara aflaanta Bollywood iyo Hollywood.

Shabakadda Bollywood Life ayaana soo bandhigtay 15 filim oo ay u garatay kuwa dhibaatada ugu badan ee dhanka ganacsiga ku sameyn doona Bollywood oo ay soo saari doonaan Hollywood sannadkaan curdanka ah. Si gaar ah ayeyna isugu dhici doonaan aflaan ay leeyihiin Salman Khan iyo Shah Rukh Khan.

Waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbinay shaxdaas waxaana idiin soo bandhignay waqtiga ay soo bixi doonaan aflaanta Hollywood iyo filimka ugu dhow ee ay Hollywood sameyn doonaan kaasoo suuqyada kula tartami doona.

Fiiro Gaar Ah: Isbedelka ku dhaca waqtiga aflaantaan la saari doono tiyaatarrada ee imaan kara illaa daqiiqadda ugu dambeysa kuma aanan xusin maqaalkeenna.

Return of Xander Cage (Hollywood) – Xilliga Laga Daawan Doono India: 14ka January 2017

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: OK Jaanu

Logan (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 3da March 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Commando 2

Kong: Skull Island (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 10ka March 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Badrinath Ki Dulhania

The Fate of the Furious (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 14ka bisha April 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Jagga Jasoos (Isbuuc Ka Hor Ayuu Soo Baxayaa)

Guardians of the Galaxy Vol. 2 (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 5ta bisha May 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Baahubali 2 (Isbuuc Ka Hor Ayaa Tiyaatarrada La Saarayaa)

Pirates of the Caribbean: Dead Men Tell No Tales Iyo Baywatch (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 26ka bisha May 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Half Girlfriend (Isbuuc Ka Hor Ayuu Soo Baxayaa)

Wonder Woman (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 2da June 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Toilet: Ek Prem Katha

The Mummy (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 9ka June 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Raabta

Despicable Me 3 (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 30ka June 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Tubelight (Afar Cisho Ka Hor Ayaa Tiyaatarrada La Saarayaa)

Spider-Man: Homecoming (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 7da July 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Munna Michael

Dunkirk (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 21ka July 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Bareilly Ki Barfi

Thor: Ragnarok (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 3da November 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Filim Bollywood Ah Maalintaas Sooma Bixi Doono; Padmavati (Laba Isbuuc Ka Dib Ayuu Soo Bixi Doonaa)

Justice League (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 17ka November 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Padmavati

Star Wars: Episode VIII (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 15ka December 2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Tiger Zinda Hai (Isbuuc Ka Dib Ayuu Soo Bixi Doonaa)

Jumanji (Hollywood) – Xilliga La Daawan Doono: 22ka December2017ka

Filimka Bollywood Ee Tartanka La Geli Doona: Tiger Zinda Hai

Saadaasha Ugu Dambeysa Akhristeyaasha Filimside Haka Bixiyaan, Shirkaddee Ayaa Aflaantoodu Guuleysan Doontaa Bollywood Iyo Hollywood Sannadkaan 2017ka.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1042)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. waa zandkii rock N diesel guul

  2. HR says:

    Hollywoodka ayaa mar walba awood badan




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: