Arjun Kapoor Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya Inuu Khilaaf Kala Dhexeeyo Director Mohit Suri!

Arjun Kapoor iyo atariishada la jecel yahay Shraddha Kapoor ayaa markii ugu horreysay isla shaqeyn doona waxayna isla hogaamin doonaan filimka Half Girlfriend.

Laakiin wararku waxay sheegayeen inuu khilaaf ka dhexeeyo Arjun iyo Mohit Suri oo ah agaasimaha filimkaan. Haatan Arjun wuxuu beeniyey wararkaas xanta ah.

Wuxuuna akoonkiisa Twitter kusoo qoray: “Ma ahan in la aamino wararka ay majaladuhu qorayaan ee beenta ah kuwaasoo aan marnaba runta u dhoweyn, khilaaf igalama dhexeeyo Mohit Suri”.

Filimka Half Girlfriend ayaa waxaa la daawan doonaa 19ka bisha May ee sannadkaan 2017ka. Waxaana filimkaan laga sameeyey buugga uu qoray Chetan Bhagat oo ay xitaa isku magac yihiin.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (195)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: