canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Anushka Sharma Iyo Virat Kohli Waxay Diyaarsadeen Gurigii Ay Ku Wada Noolaan Lahaayeen | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Anushka Sharma Iyo Virat Kohli Waxay Diyaarsadeen Gurigii Ay Ku Wada Noolaan Lahaayeen

Lamaanaha caanka ah ee lagu wado inay is guursadaan Anushka Sharma iyo Virat Kohli ayaa la xaqiijiyay inay guri cusub gateen dhawaana u guuri doonaan.

Anushka Sharma iyo Virat Kohli waxaa ka go’aan ah inay xiriirkooda ka dhigaan mid rasmi ah sidoo kalena ay noqdaan lamaane farxad ku wada nool iskana agdhow.

Waxaa la sheegay in guriga Virat iyo Anushka haatan dhismo ku socdo sidoo kalena sanadka dambe 2018 si rasmi ah gurigaan ugu aqal gali doonaan.

Dhawaan fasixii sanadka cusub ayay Anushka iyo Virat ku wada qaateen waqooyiga Hindiya waxaana xiligaas la baahiyay inay labadaan lamaane is meher sadeen.

Balse warkaas wax kama jiraan ayay kasoo qaadeen ayagoo sheegeen in guurkooda uu noqon doono mid aan dunida laga qarin doono.

Anushka Sharma waa atirisho Bollywood-ka ka tirsan oo guusha saaxiib la ah halka Virat Kohli uu yahay cayaryahan Cricket-ka xulka Hindiya u cayaaro sidoo kalena ka mid ah shaqsiyaadka Hindiya ugu caansan aadna loo jecel yahay.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (727)

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

%d bloggers like this: