canada goose victoria canada goose jakke dame canada goose jakke tilbud moncler pas cher parajumpers norge salg parajumpers norge Aamir Khan Filimkiisa Thugs Of Hindostan Ayaa Bilaabi Doono Darajada 400 Crore Gudaha Hindiya | Filimside.com – Wararkii Ugu Dambeeyay Aflaanta Hindiga

Aamir Khan Filimkiisa Thugs Of Hindostan Ayaa Bilaabi Doono Darajada 400 Crore Gudaha Hindiya

Iskoor sameeyaha Bollywood-ka – Mr. Aamir Khan isaga kaliya ayaa Bollywood-ka xeer cusub u bilaabo marka ay noqoto in iskoor cusub lasoo kordhiyo.

Waa hubaal Dangal wuxuu noqdon doonaa filimka ugu horeeyay ee 350 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo sidoo kalena Aamir isaga ayaa horey bilaabay darajo walbo hadii ay noqon laheyd 100 Crore, 200 Crore iyo 300 Crore.

Sidaa darteed dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodo waxay isku raaceen Aamir Khan filimkiisa xiga Thugs Of Hindostan ee la daawan doono Diwali 2018 inuu noqon doono filimka ugu horeeyay ee 400 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo!

Filimka Thugs Of Hindostan waxaa Aamir Khan ku wehliyo Amitabh Bachchan waana mashruuc weyn ee uu Director ka ah Vijay Krishna Acharya oo horey filimkii Dhoom 3 Aamir u sameeyay.

Sidoo kale shirkada Yash Raj Films ayaa soo saare ka ah waxayna sheegtay in mashruucan uu noqon doono midkii ugu weynaa ebid Hindiya sameeyeen ayadoo lacago waali ah lagu maal galin doono.

Aamir Khan filimka Thugs Of Hindostan wuxuu ka hawl gali doonaa bisha Maarso wuxuuna ku matali doonaa halgamaa gadooday qarnigii 19-aad kaasi oo dhici jiray hantida gumeysigii Ingiriiska weliba badda iyo beriga ayuu ku dhibaateen doonaa sida sheekada si hordhac ah loogu sheegay.

Waxaa Aqrisay Warbixintaan (1094)




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. Soofi says:

    yaan la is daalin
    waxba haku riyoonina inuu 400 crore ku bilaabo
    aamir khan uu ku daayay

  2. Darwiish says:

    Hhhhh ciyaalku ma riyoonaaan akshay weligii flim 200cr ma samayn is kadaa 300

    Aamir khan Mr creator record oo jooga cidkale ma haweysanayso
    100cr 200cr 300cr iyo imika 350cr Dangal

    Next year layaab maaha inuu aamir 400 ama 500cr keeno flimkiisu

  3. aha aha anagee filim tamil laga leeyahay na isku kaa xiijiniyaan bollywood filim la kaalay meesha oo aad hogamiya ka tahay ma ahan inaad filim shirkad kale leedahay aadna hogaamiye koowad ka ahayn inaad sheeg sheegato ..

  4. Bile tiger says:

    viva core khan

  5. bat v super says:

    Akshay ayaa bilaabaya darajada 400 crore
    Waliba filimkiisa robot 2.0

  6. Boosh says:

    Waa runtaa saxib laba wajiile
    Aamir khan uu ku daayay
    Akshay ayaa ku leh
    Isagaa bilaabaya darajada400 crore

  7. laba wajiile says:

    yaa igu raacsan in robot 2.0 bilaabayo darajada 400 crore

  8. laba wajiile says:

    yaa igu raacsan

  9. laba wajiile says:

    xataa inuu 500 crore gaadho ayaa laga yaaba
    ha is waalina taagerayaasha aamir khan way hoos maraysa 400 crore

  10. laba wajiile says:

    cid kale ma ahan akshay kumar iyo rajinikanth filimkooda robot 2.0
    waa hubaal inuu 400 crore dhaafayo sababto ah asigaba lagu qarash gareeyay 400 crore

  11. laba wajiile says:

    waa lagaga horeyna




Featured Video

WARARKA UGU WAAWEYN

MAQAALO XIISO BADAN..

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: